qaybtii 2aad
Xigasho: Buugga The Richest Man In Babylon ( Ninkii Ugu Hantida Badnaa Baabil)
Turjumadii: Dr Jama Sahal
Waa hore ayaa waxaa magaalada Baabila ku noolaan jiray nin aad u hanti badan oo la oran jiray Arkad. Waxaa aad loogu yaqaanay hantidiisa aadka u badan. Waxaa aad loogu yaqaanay gacan furnaan. Nin aad deeqsi u ah ayaa uu ahaa.
Reerkiisa aad ayaa uu ugu deeqsi sanaa. Nin wax bixintiisu aad u badantahay ayaa uu ahaa. Si kasta oo ay tahayba haddana gu` kasta dhaqaalahiisu aad ayaa uu u sii kobcayay.
Saaxiibbadiisii carruurnimada qayb ka mid ah ayaa u yimid iyaga oo ku oronaya: “Arkadoow, waa aad naga hanti badan tahay. Waxa aad noqotay ninka Baabila ugu hantida badan halka annagu aan halgan ugu jirno waxii aan cuni lahayn. Dharka ayniga (nooca) ugu fiican ayaa aad ka xirataa, cuntooyinkana waxa aad cuntaa kuwo ay dhif yahiin inta iibsan karta, halka annagu aan u dhimmanno helidda wax daboola cawrada qoyskayaga, cunno ahaanna in aan u helno wax ay liqaan.
Waxaa jirtay xilli aan dhammaanteen isku wada mid ahayn. Bareyaa ama macalimiin isku mid ah ayaa aan wax ka baran jirnay, isku cayaarana waa aan ku cayaari jirnay haddana cayaarahaas iyo aqoontaas midkoodna noogama aadan horrayn jirin. Nagama aad shaqo badnid, nagama aad iimaan badnid sida aan malaynayno. Haddaba maxaa keenay in ayaanku (nasiibku) adiga gooni kuu doorto oo lagu siiyo walxaha wanaagsan ee dunida yaalla oo dhan annagana naloo ilaaway annaga oo mutaysannay intaada in le`eg.
Halkaas markii ay marinayaan ayaa Arkad hadal kala hor yimid, isaga oo oranaya “Haddii illaa iyo carruurnimadii aydaan wax aad ku noolaataan wax ka badan aydaan helin waa labo arrimood midkood; In aydaan fahmin xeerarka maamula hantida ama in aydaan darsin.
Arkad: “Ayaanku (nasiibku) waa wax male-awaal ah kaas oo aan cidna u keeni karinin hanti joogto ah. Waa wax dabiiciga ka soo horjeedda. Ayaanku (nasiibku) waa wax dib u burburiya hantida cid walba oo hanti nasiib ku hesha. Waa wax dadka ka dhiga kuwo aan waxba kaydsan karinin oo haddana aad uga baxdo waxa gacantooda soogala oo dhan iyada oo ay keenayso in rabitaankooda iyo hungurigooduba ay aad u xad dhaafaan.
Qaar kale oo ah dadka nasiibka (ayaanka) hantida ku hela waxa ay noqdaan kuwo gacantu isku dhegto oo shillin kasta qarsada, ka baqaya in ay ka dhammaato hantidaasi maaddaama aysan garanayn sidii ay ku soo ceshan lahaayeen waxa ka baxaya. Intaas waxaa u dheer waxa ay noqdaan kuwo aad uga baqa in la xado ama la dhaco hantidooda, naftoodana cariiri iyo cabsi isqarin ah ayaa ay ku cadaabaaan.
Waxaa jira qayb kale oo qaadanaya hanti aysan shaqaysan, ku darsanaya hantidooda kadibna u qaba in ay rayrayn iyo qanacsanaan ka qaadi doonaan. Waa dhif dadkaasi balse haddana is waydiiya intee qof oo hanti dhaxashay ayaa aad garanaysaan halkeese ku dambeeyaan hantiyahaas la dhaxlay ama la dhacay.
“Jaallayaashiisii ayaa dhammaan ku raacay in ay erayadaas iyo qaabkaas ku sifoobaan dhammaan dadka hantiyaha dhaxla kadibna degdeg kaga codsaday in uu u sharxo sida uu hantida aadka u badan ku yeeshay, Arkadna hadalkiisii ayaa uu sii watay isaga oo oranaya: “Dhalinyaronimadaydii ayaa aan dib isu eegay, waxa aan eegay walxaha farxadda iyo qanacsanaanta noloshayda u keena oo dhan. Waxa aan ogaaday in dhaqaaluhu yahay waxa ugu xoogga badan walxahaas oo dhan. “Dhaqaaluhu waa awood. Waa awood wax badan suurto galisa. Hanti marka la haysto ayaa:
Qofku gurigiisa waxa uu u qurxin karayaa heerka ugu sarreeya.
Qofku waxa uu awoodayaa in uu ku socdaalo badaha fogfog iyo in uu booqdo dhulka meelaha ugu fog.
Qofku waxa uu awoodayaa in uu ku socdaalo badaha fogfog iyo in uu booqdo dhulka meelaha ugu fog.
Dahab jaadadka (noocyada) ugu fiican iyo dhegxaantaba waa awoodin in aad iibsato.
Guri diimeedyada ayaa aad hanti badan oo lagu dhiso ku bixin kartaa.
Hantida ayaa keenta in aad waxyaalahaan oo dhan aad samaysid iyo kuwo kale oo dareenkaaga iyo naftaadu ay rabaan.
“Intaas oo dhan markii aan ogaaday, waxa aan go`aansaday in aan qaybtayda ka yeesho walxahaan wanaagsan ee ifka yaalla oo dhan. Waxa aan go`aansaday in aanan noqon mid meel fog ka istaaga oo daawada dadka ku raaxaysan walxahaan wanaagsan oo dhan. Waxa aan go`aansaday in aanan ku qancin in aan xirto dhar kuwa ugu qaymaha hooseeya. Saboolnimo dhammaanteed naftaydu waa ay ogolaan kari wayday. Waxa aan go`aansaday in aan dhinac ka galo xeeradaas ballaaran ee nolosha wanaagsani ka buuxdo.
“Sidii aad igu taqaaneenba waxa aan ahaa wiil uu dhalay ganacsade aan waxba haysan, waxa aan ahayn qoys aad u tiro badan oo ay adkayd dhaxal hanti ah in ay aabbahay iga soo gaarto, sidoo kalena hanti meel kale iiga timid ama xaas iiga dhimmatay midna ma jirin. Waxa aan xaqiiqsaday in haddii aan doonayo helista waxa aan jeclahay oo dhan, in ay lagama maarmaan noqonayaan waqti iyo aqoon.
“Waqti markii la dhaho qof walba waa uu haystaa in ka badan. Mid kasta oo adinka idinka mid ah waqti ku filan in uu hantiile ku noqon karayo ayaa uu soo noolaaday. Sidaas oo ay tahay hadda waxa aad wada qirsantahiin in aydaan lahayn wax hanti ah oo aan ka ahayn qoysaskiinna wanwanaagsan, kuwaas oo aad ku faani kartaan.
“Aqoonta markii laga hadlo, miyeysan bareyaasheennii murtida badnaa ina barin in aqoontu ay labo jaad ay tahay: Mid waa tan bareyaasha ee la ina barayo, tan labaadna in ay tahay tababarka nolosha iyo waxa aynu ka baranayno taas oo aynu ku ogaanno waxii aynaan horay u aqoonin?
“Sidaas darteed ayaa aan anigu go`aansaday in aan raadiyo oo ogaado sida hanti lagu abuurto iyo markii aan ogaado in aan dhexgalo oo si fiican uga yool gaaro. Miyaa aysan murti idinla ahayn in aan ku raaxaysanno iftiinka qorraxda inta aynu hoos joogno, kahor inta aynaan ka tagin oo u gudbin mugdiga ka dambeeya?
“Waxa aan shaqo ka bilaabay qoritaanka dhagaxaanta aqoonta iyo xogaha lagu dul qoro. Maalinta oo dhan ayaa aan dhagaxaantaas qori jiray. Toddobaadyo ayaa aan shaqadaas waday, bilo ayaa ay isu beddeleen sidaas oo ay tahay waxa aan shaqeeyo oo dhan waxba kama haysan jirin. Cunto, dhar, dhawrto (sadaqo) iyo waxyaalo kale oo aanan xasuusan karin ayaa liqay waxii aan shaqayn jiray oo dhan balse yoolkaygii waligay waa aan xasuusnaa.
“Maalin maalaha ka mid ah ayaa waxaa halkii aan ka shaqaynayay yimid Algamish oo ahaa lacag-amaahiye (waxa bangi aynu maanta ugu yeerno), waxa uu ii sheegay in uu doonayo in aan u qoro Qaanuunka 9-aad oo aan waliba labo maalmood gudaheed ugu dhammeeyo, labo shillin-bireedna uu igu siin doono.”
(La kulankii Ninkii Baabila Ugu Hantida Badnaa)
“Dadaal intii aan awooday waa aan sameeyey balse qoraalka ayaa aad u dheeraa, Algamish na waxa uu igu soo noqday aniga oo aan wali qoraalkii dhammaynin. Aad ayaa uu u carooday haddii aan addoonkiisa ahaan lahaana waa i garaaci lahaa. Waxa aan ogaa in duqa magaaladu uusan u ogolaan doonin in uu waxyeelo ii gaysto sidaas darteedna wax cabsi ah ima galinin, waxaana aan ku iri “Algamishoow, waxa aad tahay nin aad u hanti badan, ii sheeg sida aan aniguna hantiile ku noqon karayo, aniguna caawa dhan waa aan shaqayn oo dhagaxaanta ayaa aan qorin bari aroornimadana ayaga oo diyaarsan ayaa aad iigu imaanin.
“Waa uu dhoollacaddeeyey deedna iigu warceliyey, ‘Waa aad I dhagartay (khayaantay) balse hadda heshiis ayaa aynu wada galaynaa.’
“Habeenkii oo dhan ayaa aan dhagaxaantii qorayay, habeenkaas dhan ayaa dhabarku igu xanuunay, urkii liifaddii faynuuska ayaa madaxu ila xanuunay, indhahuna waa I daaleen heer markii dambe aan ku dhawaaday in aan waxbaba arki kari waayo. Waabarigii ayaa uu ii yimid aniga oo dhammeeyey.
‘Haddaba, I bar waxii aad iga balanqaaday’ ayaa aan hadalkii ugu bilaabay.
‘Haddaba, I bar waxii aad iga balanqaaday’ ayaa aan hadalkii ugu bilaabay.
Si naxariis leh ayaa uu iigu warceliyey ‘Wiilkaygiiyoow ballanta qaybtaadii waa aad ka soo dhalaashay, aniguna diyaar ayaa aan u ahay qaybtayda. Waxa aad doonaysid oo dhan ayaa aan kuu sheegin, nin da`a ah ayaa aan noqday, dadka da`ada ahna carrabkoodu waxa uu jecelyahay in uu iska hadlo. Marka dhalintu ay da`da waraystaan waxa ay helaan murti inta ay hayaan oo dhan. Balse dhalintu inta badan waxa ay u maleeyaan in dadka waawayni yaqaanaan waxii la soo dhaafay iyo aqoontii duqowday oo kali ah taasina waxa ay keenta in aysan wax aqoon ah ka kororsan. Wiilkaygiiyoow, hal mid xasuusnoow oo ah in cadceedda maanta dadka u ifttimaysa ay tahay tii iftiimaysay markii aabbahaa uu dhashay, sidaas oo kale ayaa ayna u iftiimi doontaa illaa ilmaha aad awoowaha u noqon doontid kan ugu dambeeya uu ka gudbo ifkaan oo uu u gudbo nolosha dambe.
“Aragtida dhalintu waa sida iftiinka danabka (ololka marmar cirka ka muuqda) kaas oo halmar cirka dhan iftiimiya kahor inta uusan islamarkaasba daminin, balse murtida dadka waawayni waa sida xidigaha joogtada ah ee cirka ka bidhaama markasta, kuwaas oo badmaaxyada hagi kara ayna markasta isku hallayn karayaan.
“Ereyadayda aad u dhegayso, haddii aadan dhuuxin murtida hadalkayga ku jirta waxa aad xaqiiqsan doontaa in hawshii aad xalay oo dhan qabanaysay oo dhammi ay noqotay wax dabayshu la tagtay.’
Intaas kadib ayaa Algamish I soo eegay isaga oo xeeldheeri ka muuqato aadna u waji duuduubmay da`a darteed, waxa uu cod gaaban balse aad u waawayn igu yiri, ‘Waxa aan cagta la helay waddada hanti helista markii aan go`aansaday in qayb ka mid ah waxa aan shaqaysto aan anigu gooni u yeesho. Haddaba adiguna waa in aad sidaas oo kale samaysid.
“Intaas markii uu I yiri ayaa uu aad ii eegay heer aad moodid in uu eegmada iga dusin karayo kadibna asaga oo aan wax kale igu oranin ayaa uu aamusay balse I eegay oo kali ah.
“Ma intaas kali ah baa?’ ayaa aan waydiiyey
“Intaas ayaa ku filan in ay maskax ari-jir u beddesho maskax lacag-amaahiye (bangiile) ayaa uu iigu warceliyey.
“Balse waxa aan shaqaysto oo dhan aniga ayaa gooni u leh, soo ma aha?’ ayaa aan waydiiyey.
“Dhabtu sidaas waa ay ka fogtahay.’ ‘Miyaa aadan dhar-sameeyaha lacag siinayn? Miyaa aadan kabo-tolaha lacag siinayn? Miyaa aadan waxyaalaha aad cuntid lacag ka bixinayn? Baabila ma ku noolaan kartaa adiga oo aan lacag bixinayn? Maxaa aad ka haysaa waxii aad bishii hore shaqaysatay? Maxaa aadse ka haysaa waxii gu`gii hore? Cid walba ayaa aad u qaybisay oo siisay aan ka ahayn naftaada. Nacas. Cid walba lacagtaadii saami ayaa aad ka siisay balse adigu waxba kama haysatid oo waxba kalama aadan harinin.
Nacasoow, dadka kale ayaa aad u shaqaysay. Taasi waxa ay keentay in aad addoon u tahay cidda aad u shaqaysid oo aad heshid waxa aad cunto iyo wax dhar ku gadato oo kali ah. Haddii hal kamid ah toban shillin-bireed oo kasta ee aad bil walba shaqaysid aad kaydsan lahayd, toban gu` gudaheed intee dhaqaale dhan ayaa aad haysan lahayd ma aad taqaannaa?
“Awooddayda wadar isugaynta iyo tirooyinku iima ogolaanin in aan warcelin qumman ka bixin karayo kadibna waxa aan ku warceliyey, ‘In ka badan inta aan hal gu` shaqeeyo.’
Hadalkii ayaa uu igu celiyey isaga oo igu oranaya “ Runtii barkeed ayaa aad sheegtay. ‘Shillin-bireed kasta oo aad kaydsatid waxa uu kuu noqon doonaa addoon adiga kuu shaqeeya. Shillin kasta oo uu soo saarana waxa uu noqon carruur uu dhalay addoonkaasi oo kuu sii shaqayn doona.
Haddii aad hantiile doonaysid in aad noqotid, shillinka aad kaydinaysid waa in uu kuu shaqaynayo oo ilmo sii dhalayo, ilmahaasina waa in ay kuwo kale ay sii dhalayaan illaa heer aad marka dambe heshid hanti, in ka badan inta aad jamanaysid.
Casharka ku jira qoraalkaan waa :
1. Boqolkiiba toban dhaqaalaha ku soo galaya kaydso.
2. Dhaqaalaha aad kaydsatay waa in uu kuu shaqaynayo.
2. Dhaqaalaha aad kaydsatay waa in uu kuu shaqaynayo.
“Waxa aad rumaysantahay in aan ku dhagray (khayaamay) oo aanan ku siin wax u qalma shaqadaadii habeenka dhan ahayd balse shaqadaas kun jibbaarkeed wax ah ayaa aan ku siin, waa haddii aad leedahay garaad aad ku dhuuxi kartid xqiiqada aan kuu soo gudbinayo.
“’Waxa aad shaqaysatid waa in qayb ka mid aad adigu gooni u yeelatid oo aad kaydsatid. Waa in aysan ka yaraan tobankii-meeloodba hal meel, si kasta oo ay u yaraato waxa aad shaqaysatid ee ku soo galaya. Sidoo kalena haddii aad doonaysid waxa aad ka dhigi karta inta ugu badan ee aad awoodid. Naftaada marka hore qoondo (saami) sii. Waa in aadan kabaha iyo dharka ku bixin dhammaan lacagtaada oo dhan ee aad haysatid intii aad dadka kalena wax uga iibsan lahayd sida cuntada iyo alaabooyinka kale ee lagama maarmaaka ah. Waa in sidaas oo kale aad wali ugu talo gashid intii aad dhawrtada (sadaqada) ku bixin lahayd iyo guri-diimeedyada.
“Hantidu waa sida geedka oo kale kaas oo ka baxa hal mir oo la beero. Shillinka ugu horreeya ee aad kaydka ka dhigatid waa mirta geedka dhammi kaaga soo baxi doono. Dhakhsaha aad ku beertid, dhakhsahaas ayaa uu ku bixin. Hadba sidii aad u waraabisid oo u xannaanaysid ayaa uu kuugu miro dhalinin.
“Intaas markii uu igu yiri ayaa uu dhagax-qoraaleedkiisii qaatay kadibna iga dhaqaaqay.
“Intaas markii uu igu yiri ayaa uu dhagax-qoraaleedkiisii qaatay kadibna iga dhaqaaqay.
“In badan ayaa aan ka fekeray oraahdiisii waxa ayna iila muuqatay hadal maan-gal ah. Waxa aan go`aansaday in aan isku dayo sidii uu ii sheegay. Markasta oo aan lacag shaqaysto, tobankii shillinba hal mid ayaa aan meel ku qarsadaa. Waxaa la yaab igu noqotay in daboolista baahidaydu aysan ka dhib badnaanin sidii hore iyo in lacagtaas kaydka ah oo iga maqan aan wali ka maarmi karayay. Marar badan ayaa isku dayay in aan adeegsado kaydkaas ayada oo keenayso in baahidaydu sii kobcaysay iyo in marar badanna aan jeclaysanayay iibsashada alaabada (badeecada) wanaagsan ee sayladda(suuqa) la keenayay ee ganacsatadu ka keenayeen dhulalka fogfog balse mar kasta waa aan iska caabinayay rabitaankaygaas.
“12 bilood kadib ayaa Algamish mar labaad ii yimid waxa uuna igu yiri, ‘Wiilkaygiiyoow, naftaada ma ula hartay tobankiiba hal kamid ah waxa ku soo galay gu`gii tegay?
“Haa mudane ‘ ayaa aan ugu warceliyey si waliba faan ku dheehanyahay. “Waa si wanaagsan’ ayaa uu iigi warceliyey isaga oo I jalleecaya, kadibna I waydiiyey ‘maxaa aad ku qabsatay haddaba?’
“’Waxa aan u dhiibay Azmur, waa guryo-dhise. Waxa uu ii sheegay in uu dhul fog u socdaalayo halkaasna uu iiga soo iibin doono jawhar aad u qaymo badan iyo in markii uu halkaan keeno, aan lacag badan ku iibin doonno kadibna aan kala qaybsan doonno isaga iyo aniga.
“Nacas kasta waa in uu casharro maro’ ayaa uu si gurxan ah u yiri kadibna hadalkiisii sii watay ‘balse maxaa aad guryo-dhise u rumaysan in uu jawhar iibkeed ka shaqayn karo? Rootilaha ma u aadi lahayd in aad xidigo-tiriska ka waraysatid? Waa maya sida ay ila tahay ee waxa aad aadi lahayd xidigo-tiriyaha, waa haddii aad garaad leedahay. Waxii aad kaydsatay waa ku daayeen, geedkaagii hantida ahaana, xididada ayaa aad ka rujisay (fujisay).
Mid kale beero. Mar kale isku day. Marka soo socotana haddii aad doonaysid talo jawharta ku saabsan, ka warayso kuwa jawharta iibiya. Haddii aad doonaysid xog idaha ku saabsanna, ka warayso ninka idaha dhaqda.
Taladu waa wax dadku iska bixiyaan balse ka fiirso midda kugu habboon ee aad qaadanaysid. Qofka kaydkiisa kala tashta cid aan waayo aragnimo lahayn oo arrimahaas oo kale ku dhaqaaqa, kaydkiisa ayaa uu ku beddeshaa (doorsadaa) ogaanshaha khaldanaanta talada la siiyey. Intaas markii uu I yiri ayaa uu iga dhaqaaqay.
Casharka laga baranayo qaybta 6-aad:
1. Kaydkaaga meel ha iska dhigin ee ha noqdo mid aad meel ku maal galisay oo kuu shaqaynaya.
2. Waxa aad doonaysid in aad lacagtaada galisid, kala tasho cidda waayo-aragnimada iyo aqoonta u leh.
Fiiro Gaar ah.
Soomaalida aad ayaa aad ugu arkaysaa in qofku uu saaxiibkiis ama qoyskiisa kala tashanayo arrimo ganacsi iyo halka uu doonayo in uu lacagtiisa galiyo. Waa yaryahiin inta qof ee talo kasta u doonata cidda aqoonta iyo waayo aragnimada u leh arrinta ay talada uga baahanyahiin.
Rootila, rootiga wax ka waydii.
Diinta, wadaadka wax ka waydii
Caafimaadka, kooxda caafimaadka wax ka waydii
Ganacsiga, ganacsatada wax ka waydii
Ayeeyadaa ha ka waraysan siyaasadda Mareykanka iyo Faransiiska.
Diinta, wadaadka wax ka waydii
Caafimaadka, kooxda caafimaadka wax ka waydii
Ganacsiga, ganacsatada wax ka waydii
Ayeeyadaa ha ka waraysan siyaasadda Mareykanka iyo Faransiiska.
“Sidii uu sheegay ayaa ay noqotay, Azmur waa la dhagray ama la qiyaamay oo walxo yaryar oo birbirqaya ayaa laga soo iibiyey balse aan jawhar ahayn. Balse sidii uu igula taliyeyba mar labaad ayaa aan kaydiyey tobankiiba hal. Hadda kaydinta waa aan la qabsaday oo wax dhib ah iguma hayso.
Hal gu (sanad) kadib ayaa mar kale uu ii yimid Algamish waxa uuna hadalkii iigu bilaabay “Maxaa horumar ah oo aad gaartay illaa iyo markii iigu kaa dambaysay?’
“Si wanaagsan ayaa aan marakaan naftayda ugu adeegay, markaan kaydkaygii waxa aan u dhiibay Agger oo ah gaashaan sameeye, gaashaan ayaa uu ku iibiyey lacag kiro ah ayaana iga soo gasha 4-tii bilood oo kastaba.’
“Waa si wanaagsan, balse maxaa aad ku samaysay dhaqaalahaas kirada kaa soo gala?’
“Malab, rooti, cuntooyin iyo cabitaanno kala duwan ayaa aan ku iibsaday. Waxa aan sidoo kale ku iibsaday dhar waxaana aan naawilayaa in aan dameerna ka iibsan doono lacagtaas kirada.
Halkaas markii aan marayo ayaa Algamish igu qoslay, isaga oo oranaya, ‘Waxa aad cunaysaa carruurtii kaydkaaga. Haddaba sidee u filaysaa in carruurtaasi kuu shaqayn doonaan? Sidee kaydkaasi ilmo kale u sii dhali doonaa kuwaas oo kuu shaqeeya? Ugu horrayn waa in aad heshid in badan oo addoomo ah markaas kadib ayaa aad ku raaxaysan kartaa walxaha qaymayaasha sarreeya. Kadibna waa uu iga tagay.
“Labo gu` ayaa aanan arkinin, markaas kadib ayaa uu ii yimid markale. Markaan foolkiisa (wajigiisa) waxaa ka muuqanaya duuduub da`adu keentay sidoo kalena indhahiisu waa ay tabar gabeen, waxaa ka muuqda duqoobid. Waxa uu I waydiiyey “Arkadoow, wali ma gaartay hantiilenimadii aad ku riyoon jirtay?’
Waxa aan ugu warceliyey “Maya wali ma helin hantidii aan ku riyoonayay oo dhan, balse qayb hantidaas ah ayaa aan yeeshay taas oo mid kale ii sii samaysa, taasina mid kale ayaa ay ii sii samaysaa, sidaas ayaa ay isku sii dhalayaan.’
“Wali talooyinka ma waxa aad ka qaadataa guri-dhisaha?’ ayaa uu I waydiiyey.
“Haddii taladaasi tahay guryo dhisid talo fiican ayaa laga helayaa,’ ayaa aan iskaga celiyey.
“Arkadoow, casharadaadii si wanaagsan ayaa aad u baratay. Ugu horrayn waxa aad baratay in aad ku noolaatid in ka yar inta aad shaqaysatid. Tan ku xigta waxa aad baratay in talada aad ka qaadatid cidda ku habboon ee khibradda u leh arrinta taladaas. Ugu dambaynna waxa aad baratay in aad dahabkaaga…….. ka dhigtid mid isagu kuu shaqeeya.
“Waxa aad isbartay sida lacag loo helo, sida loo kaydsado iyo sida loo adeegsado. Sidaas darteed waxa aad u qalantaa heer sarreeya in lagu geeyo. Waa aan sii duqoobayaa anigu. Carruurtaydu dhammaan kama fekeraan sidii ay hanti u tabci lahaayeen, kali ah waxa ay ku fekeraan sidii ay u dhumin lahaayeen. Waxa aan kuu soo bandhigayaa arrin ah in aad aaddid Nippur. Halkaas beero badan ayaa aan ku leeyahay, waxa aan doonayaa in aad hantidaas gacanta iigu qabatid kaana dhigto wadaag ila lahaada hantida dhulalkaas.
“Sidii ayaa aan yeelay oo waxa aan aaday Nippur, dhulalkii ayaa aana la wareegay. Maaddaama………… han aad u sarreeya uu igu jiray, sidoo kalena aan bartay saddexda xeer ee hantida lagu sameeyo awood ayaa aan u helay in aan hantidaas aad u kobciyo oo gaarsiiyo qaymo aad u sarreeya.
“Hantidii iyo dhaqaalahaygiiba aad ayaa ay u bulaaleen, markii Algamish uu dhintayna qaybtaydii ayaa aan gooni u qaatay sidii uu heshiiska ku caddeeyey.
Markii Arkad sheekadii dhammeeyey ayaa mid ka mid ah jaallayaashii sheekada dhagaysanayay ayaa yiri, “Aad iyo aad baad u ayaan badnayd maaddaama Algamish uu hantidiisa kuu xil saaray.”
“Nasiib waxa aan wax ku heli lahaa kahor intii aanan la kulmin Algamish. Afar gu` oo aan shaqaynayay oo aan tobankiiba meel kaydinayay miyaa aanan caddayn ujeeddadayda?
Waa nasiib ma ugu yeeri kartaa haddii nin kalluumaysato ah uu darso hab-nololeedka kalluunka kadibna hadba halka uu ku badanayo shamaagtiisa ku xirta sidaasna kalluun badan ku hela? Kanshadu (fursaddu) waa meerto aan eex aqoon taas oo aan suginin ciddii aan diyaar garoobin.
Haddaba maxaa cashar ah oo aad ka baratay qaybtaan toddobaad? Faallo (comment) ku qor.
Lasoco qaybta siddeedaad Insha allah.
Dhammaadka Ninkii Doonayay Dahabka.
Qeybtii 8-aad uguna dambaysay
============================== ====
“Rabitaankaagii (go`aan adayggaagii) ayaa sii xoogsaday markii aad lumisay labo gu` kaydkoodi. Qof aan dadka wax dheer) caadi ahayn) ayaa aad tahay markaase,” ayaa qof kale la soo booday.
==============================
“Rabitaankaagii (go`aan adayggaagii) ayaa sii xoogsaday markii aad lumisay labo gu` kaydkoodi. Qof aan dadka wax dheer) caadi ahayn) ayaa aad tahay markaase,” ayaa qof kale la soo booday.
“Rabitaan xooggan! Maxaa aad ku hadlaysaa? Ma u malaynaysaa in rabitaan kaliya qof awood u siin karo in uu qaado culays aan rati qaadi karinin, ama uu jiido culays aan dibi jiidi karinin?
Rabitaan dhab ah waa ujeeddo aan gabasho lahayn oo ah in aad fulisid hawlaha aad naftaada u cayimtid. Haddii aan naftayda hawl qabashadeeda u cayimo, waa in aan hawshaas fuliyo sidii ay rabtaba ha u yaraatee. Haddii kale sidee naftaydu ugu heli doonaa kalsooni aan ku fuliyo arrimaha mudnaanta leh? Haddii aan iskula hadlo in aan boqol maalmood buundada (bridge) ka qaado dhagax-dixeed yar kadibna aan biyaha ku tuuro, ‘Waa in aan sameeyo.
Haddii maalinta toddobaad aan gudbo aniga oo aan xasuusnayn, ma aha in aan is dhaho, Berri ayaa aan labo dhagax-dixeed tuuri doonaa.’ Balse, waa in aan tallaabooyin dib u qaado oo aan soo tuuro dhagaxaas. Sidoo kalena ma aha in aan maalinta labaatanaad iskula hadlo, ‘Arkad, waxaani macno ma samaynayaan. Maxaa ay kuu kordhin in aad maalin kasta hal dhagax-dixeed tuurtid? Halmar gacan buuxda sayri kadibna intaas ayaa ku filan in muddo ah.’ Maya, sidaas ma aha in aan iraahdo. Markii aan naftayda shaqo u cayimo, waa in aan dhammeeyaa shaqadaas.Sidaas darteed waa in aan aad uga fiirsado shaqooyinka aan doonayo in aan naftayda u diro, ayada oo ay keenayso in aan jeclahay nasniinada.”
Halkaa marka uu marin hadalkii ayaa jaal kale hadlay oo yiri, “Haddii waxa aad sheegi ay run tahay, oo ay u fududdahay sida aad u sheegtay, oo dadka dhan ay sidaas sameeyaan, soo hantidu adduunka kama dhammaateen?
“Hantidu waxa ay ka dhalataa halka qofku awoodda galiyo. Arkad ayaa hadalkiisa sii watay “Hadii qofi uu guri wayn dhisto, dahabkii uu haystay iyo hantidiisii ma sidaas ayaa ay ku dhammaanin? Maya. Kan guriga dhisay qayb ayaa uu la tagayaa, kan shaqaalaha ka ahi qayb ayaa uu qaadan, farshaxamaystuhuna qayb ayaa uu qaadan. Qof walba oo gurigaas ka shaqeeya qayb ayaa uu qaadan hantidii ninkaasi lahaa balse marka gurigaasi ebyoomo (dhammaystirmo) miyaa uusan ku fadhin qaymahii ku baxay oo hanti ah? Miyaa aanan dhulka uu ka dul dhisanyahay isaguna u taagnayn qayb dahabkii ku baxay ka mid ah? Dhaqaluhu si indho-sarcaad ah ayaa uu u samaysanyahay. Qofna kama waxyoon karayo xadka uu leeyahay. Halka uu ku dhammaanayo.
Maxaa haddaba annagana nagula talinaysaa si aan hantiilayaal u noqonno? Ayaa mid kale oo asxaabtii ka mid ahi waydiiyey Arkad.
Waxa aan idinkula talinayaa in aad raacdaan murtida Algamish oo aad tiraahdaa ‘Qayb kamid ah dhaqaalaha aan shaqaysato aniga ayaa iska leh oo waa aan kaydsan.’ Aroor walba erayadaas iskula hadal. Hargal walba iskula hadal. Habeen walbana iskula hadal. Saacad kasta oo maalintaada ka mid ah iskula hadal. Ku celceli iskula hadalkaas illaa marka dambe ay erayadaasi ayaga oo olol ah ay cirka kuugu qormaan oo kaaga muuqdaan.
“Aragtidaas iska dhaadhici. Aragtidaas maskaxdaada ku shub. Kadib dooro saamiga suurtogalka kula noqda in aad kaydsatid.
Yaa aysan ka yaraanin tobankiiba hal meel. Kharashkaaga kale waa in uu intaas ka yaraado. Balse ugu horrayn qoondee inta kaydka kuu noqonaysa. Islamarkiiba waxa aad ogaananaysa waxa dareenka hantiilenimadu tahay taas oo ah in aad dareentid kayd hanti ah oo aad kaligaa sheegan kartid. Markii ay sii korortaba waa ay ku sii niyad kicinin. Ranyrayn cusub oo nolosha ah ayaa kuu bixi doonta. Dadaalada dheeraadka ahi waxa ay kuu keenayaan dhaqaale dheeraad ah. Haddii dhaqaalahaagu kobco, miyaa aadan sidoo kalena kobcin doonin saamiga aad naftaada u qoondaysay?
Intaas kadib baro in kaydkaagu kuu shaqeeyo. Addoon waa in uu kuu noqdo. Carruurta kaydkaasi dhalo iyo kuwa kasii tarma waa in ay kuu shaqeeyaan.
“Aayatiinkaaga dambe dhaqaale ugu talo gal.
Ha ilaawin in maalmo kadib aad ka mid noqon doontid duqowda gaboobay. Sidaas darteed hantidaada meelo aad ka fiirsatay ku maalgali si aysan kaaga lumin. Dadka ku oran amaah na sii, saami fiican ayaa aan kuugu dari doonnaa marka aan soo celinno, kuwaas fooridooda (dhawaaqooda) dhagar ayaa ku qarsoon waxaana maqla kuwa aan ka warhaynin qararka iyo haadaamaha ay dadka ka ridaan.
“Sidoo kalena qoyskaaga kayd iyo hanti u samee kahor inta aadan dhimanin. Arrintaasi ma dhib badnaanayso haddii aad mar kasta qoondo yar gees ugu kaydiso. Ninka garaadka lihi ma sugo hanti badan oo soo gasha si uu qoondadaas oo kale reerkiisa kayd uga dhigo.
“La tasho dadka murtida leh. Kala tasho dadka shaqo maalmeedku u tahay hanti-gacan-kuhaynta. Ayaga u ogoloow in ay kaa badbaadiyaan gefafka oo aysan kugu dhicin sidii aan anigu sameeyey ee ahayd in aan Azmur oo guri dhise ah ka waraystay jawhar. Dulsaar yar oo la hubo in ay soo noqonin ayaa ka wanaagsan halis wayn oo dulsaar badan leh.
“Noloshaada ku raaxayso inta aad nooshahay. Shaqo ha isku dilin, hana isku dayin in aad shillin walba kaydsatid. Haddii tobankiiba hal meel aad kaydsan kartid adiga oo istireex ku nool , intaas ku ekoow oo ku qanac. U nooloow hadba inta dhaqaalahaagu le`egyahay, naftaadana ha ka dhigin mid muudal (bakhayl) ah h oo waxba ka bixinin. Noloshu waa ay wanaagsantahay waxaana ka buuxa waxyaalo badan oo qaymo leh iyo waxyaalo badan oo lagu raaxaysan karayo.”
Saaxiibadiis oo dhan ayaa u mahad celiyey waana la kala tagay. Dadka qaar ayaa iska aamusay ayada oo ay keenin in aysan sawiran karin waxa laga hadlayay iyo in aysan fahmin ba.
Qaar ayaa jeesjees u arkayay ayaga oo rumaysan in qofka hantida lihi uu saaxiibadiis la wadaago oo dhammaantood u qaybiyo. Balse dadka qaar ayaa indhahooda iftiin u dhallaalay. Waxa ay garawsadeen in Algamish uu markasta ku soo laalaabanayay guriga aqoonta oo dhagax-qoraaleedyada lagu sameeyo ayada oo ay keenin in uu ku ilaalinayey nin ka mid ah dadkaas kaas oo ku jiray tallaabooyin uu kaga baxayay mugdiga iyo fakhriga una soo baxay iftiinka iyo nolosha hantida leh. Markii ninkaasi iftiinka u soo baxay meel (boos) ayaaba asaga sugaysay. Meeshaasi waa ay bannaanayd cidda kali ah ee buuxin kartana waxa ay ahayd ciddii fahamta oo diyaar u soo noqota fursaddaas (kanshadaas).
Kooxdaan dambe waxa ay noqdeen kuwo joogto u soo booqda Arkad isaguna uu si wanaagsan u soo dhaweeyo. Waa uu talo siin jiray, markastana waxa ay ka heli jireen murti uu ogyahay nin ruug-caddaa isaga oo kale ah oo kali ah. Waxa uu markasta ka caawiyey in ay maal gashtaan meelaha ay koboca fiican ka helayan sidoo kalena hantidoodu ay badbaado ugu jirayso.
Isbaddalka dhabta ah ee nolosha nimankaas maalintaas ayaa ay bilaabatay markii ay garawsadeen in murtidaani ay Algamish ka timid oo uu Arkad u soo gudbiyey, asaguna uu ayaga u soo gudbiyey.
Dhammaaaaaaaaaaad
Siddeedaas qaybood iyo murtida ku jirta daabaco oo ku celceli akhrintooda runtii wax badan ayaa ay noloshaada ka baddali doonaane.
Waa ku mahadsantahay akhrintaada iyo ku taxnaantaada.
The Richest Man in Babylon (Ninkii Baabila Ugu Hantida Bandnaa)
The Richest Man in Babylon (Ninkii Baabila Ugu Hantida Bandnaa)
Labo waydiimeed iiga jawaaba (warceliya)
1. Intiinnee qof ayaa doonaysa in ay hanti yeelato oo sida Arkad u shaqaysato???

No comments:
Post a Comment