Tuesday, July 6, 2021
maxaa loogu kala aragti duwan yahay inta badan marka laga hadlaayo taariikhda soomaalida ?
ugu horayn illahay ayay mahad dhami usugnaatay marka xiga waxaa igu dhaliyey inaan mawduucan qalinka u qaato kadib markaan akhriyay buugaag badan oo ay qoreen dad taariikhda soomaalida magac weyn kuleh kuwaas oo ay kaga hadlayaan arimo isku mida oo halbawe u ah taariikhda soomalida sida axmed guray imaatinkii ingiriiska ee somaliland , taariikhdii sayid maxamed cabdule xasan , xoriyadii somaliland, midowgii somalia iyo somaliland iyo siduu udhacay , inqilaabkii dhicisoobay ee xasan kayd , kahadalka dawladii kacaankii dhib iyo dheef , kawaranka jabhadihii SNM SSDF USP iyo maxaa sababay burburkii dawladii dhexe ee somalia intaas aan soo sheegay iyo kuwo lamida ayay aad ugu kala duwan yihiin ka waran kooda aniga oo aan ka tegaynin inay jiraan meelo ay iskaga mid yihiin ama ay isku aragti dhaw yihiin hadana waxaan odhan karaa waa meelo aad u kooban oo aan ka badnayn 2%
intaas markii aan siwacan udhuuxay waxaan jeclaystay inaan qodob qodob isu dultaagno midkasta waxa laga yidhi si aan u helo ugu yaraan wax laga midaysan yahay ama meel laga bilaabo wax isweydiinta ah sidee u heli karaa xogta ugu macquulsan ee taariikhdii aynu wada lahayn iyadoo kamadax banaan qabyaalad ama deegaan jeclaysi ama hebel ama deegaan necbaysi insha allah waxaanan rajaynayaa inaan umada lawadaago buug aan kusoo uruuriyey buugaagta ama waraysiyada ay bixiyeen dadka taartiikhda soomaalida muhuumka u ahaa waxaanan aad ugu cudur daaranayaa qofkastaa wixii dhaxala ee uu qoray ama waraysi ku bixiyey waxba kama bedelayaayo mana xukumayaayo qofkasta wixii uu qoray sideeda ayaan usoo qaadanayaa anigoo isla markaana barbardhigaaya waxa ay dadka kalena kayidhaahdeen taarikhdaas uu kahadlay
wabilaahi tawfiiq
Subscribe to:
Posts (Atom)