Tuesday, November 26, 2019

NINKII DOONAYAY DAHABKA!!!

qaybtii 1aad
Xigasho: Buugga The Richest Man In Babylon ( Ninkii Ugu Hantida Badnaa Baabil)
Turjumadii: Dr Jama Sahal

Ninkii Doonayay Dahabka
=====================
Bansir waa karneeto (gaari-faraseed) sameeye kaas oo aad uga niyad jabsan noloshiisa. Haddii uu geeesaha eegay waxaa u muuqanaya dadka gurigiisa, si murugo leh ayuu u eegayaa gurigiisa yar ee saboolnimadu ka muuqato. Waxaa kale oo u muuqda halka uu biraha ku tumo iyo karneetada uusan wali dhammaynin samaynteeda ee meesha u dhextaalla.
Xaaskiisa ayaa marar badan iridka guriga soo istaagaysa. Eegmadeeda duruufaysan ayaa laga dareemi karaa hadalka ku duugan oo ah in raashinkii dhammaaday lagana sugayo in uu si dhakhso ah u dhammeeyo karneetada si uu uga iibiyo dadka lacagta haysta, reerkiisana cunto ugu soo gado ama ugu soo iibiyo.
Si kasta oo ay tahayba jirkiisa oo ah mid qaro wayn, xoog iyo murqana ka muuqanayo ayaa derbiga isku tiirinaya. Maskaxdiisa tabarta daran waxaa ka dhexguuxaya waydiimo uu wax warcelin ah u la`ayahay. Qoraxda kulaylaha ee shiisha ah ee lagu yaqaan dooxada wabiga Furaat ayaa dhakada ka garaacaysa si waliba naxariis-darro ah. Dhididka ka shubmaya, garkiisa ayuu daad ahaan kusii marayaa isaga oo sidii qulqulkii ugu shubmaya kaynta timaha ah ee laabtiisa ku taalla.
Dhanka shishe ee gurigiisa waxaa ka muuqanaya guriga boqorka ee aadka u qarada iyo quruxda wayn. Dhinaca kale haddii uu eegayna waxaa u muuqanaya qasriga daruuraha ku dhexjira ee ah guri-diimeedka magaalada.
Qarsiyadaas hooskooda ayaa waxaa ku dhexyaalla gurigiisa aadka u yar iyo guryo dad kale oo ayaguna aad u sabool ah foolxumana ka muuqato. Magaalada Baabila oo dhan ayaa sidaas u dhisan, qasriyo cirka ku dhawaaday iyo buulal dhulka ku dheggan, dad hantidu ka tiro badatay iyo sabool aan cunto heli karinin, dhammaan waa la isku dhex qasanyahay ayaga oo aan wax qorshe iyo qaab ay u kala degganyahiin aan midna lahayn ayaa dhammaan derbiyo korka sare looga wada hareereeyey magaalada oo dhan si darbiyadaasi difaac ugu noqdaan.
Gadaashiisa haddii uu u soo jeensaday waxaa u muuqanaya gaari-faraseedyo ay wataan dad hantiilayaal ah kuwaas oo dadkii sayladda ka ganacsanayay iyo saboolkii cagaha-caddaa ay dhammaan u wada banneeyeen waddada ay marayaan. Balse isla markiiba dhammaan dadkii waxaa lagu wada dirqiyey in waddada loo banneeyo addoomada isdabajoogga ah ee mid walba uu xambaarsanyahay haan-biyeed buuxda oo harag ka samaysan taas oo loo wado in lagu waraabiyo beeraha lusha ee guriga boqorka.
Bansir aad ayaa uu ugu hawlaysanyahay (fooganyahay) dhibaatooyinka noloshiisa, waxa dhacaya oo dhanna waaba uu ka maqanyahay (mooganyahay) oo lama socdo, balse waa uu ujeedaa. Waxaa halmar dhagahiisu qabteen codka kaban la garaacayo oo aad moodid in uu aad u garanayo codka noocaas ah. Haddii uu eegay dhanka codku ka baxayay waaba kaban-garaacihii saaxiibkiis ahaa ee Kobbi oo u dhoolocaddaynaya.
“Eebbe madax-bannaanida ha kuu kordhiyo jaalkayga wanaagsanoow,” Kobbi ayaa gacanqaadis kalgacayl leh kusoo dhaweeyey kadibna hadalkiisii sii watay “Waxaaba marka hore kaa muuqata in Eebbe wanaag badan kuu galay waa adiga aan addoon lagu adeeganayo ahayne. Raynraynta madax-banaanidaas aynu haysanno ayaa aan kula qaybsanayaa.
Boorsadaada in ay cayilantahay waa ay ii muuqataaye intii aad gacanta galisid iga sii labo shilin-bireed oo amaah ah oo aan hubo in aan kuu soo celindoono habeenka iidda ah. Ma aad waayi doontid oo waa hubaal in laguu soo celindoono.
“Jaalkayoow haddii aan haysan lahaa labo shilin-bireed, cidba ma anigaa amaahin lahaa adigaba aad ahaatide (ilowse) kuma amaahiyeen; hanti ayaa ay ii ahaan lahaayeen, hantida kali ah ee aan haysto. Qofna hantida uu haysto oo dhan cid kale ma amaahiyo, cidda ugu dhawba ha ahaatee. Bansir ayaa hadalkaas si murugo leh ugu warceliyey.
“Yaah,” Kobbi ayaa qayliyey isaga oo ka yaabay hadalka Bansir, ka dibna hadalkiisii sii watay “Hal shilin-bireed ayaa aad la`adahay haddana halkaan ayaa aad sidii taalladii meel ugu tiirsantahay! Maa aad dhammaystirtid karneetadaan? Sidee kale oo carruurtaada aad cunto ugu heli kartaa? Sidii aan kugu aqaanay sidaan ma ahayn jaalkayoow. Meeday hawlkarnimadii kaa buuxi jirtay? Ma waxbaa kugu dhacay? Ma jirro ayaa ku haleeshay?”
Maya ee riyo ayaa I haleeshay, sidaan ayaana aan ku riyooday, Bansir ayaa hadalkii sii watay. “Riyada aan arkayo waa aniga oo ah nin aad loo wayneeyo. Waa aniga oo ay suunka iiga lulato boorso qurux badan oo haddana buuxda, shilin-bireedyo ka buuxaan. Waa aniga oo si madax-bannaani ah shilin-bireedyo ugu daadinaya tuugsadayaasha saboolka ah; waa aniga oo dhar ayni (nooc) walba leh ugu gadaya xaaskayga iyo waxii kale oo aan ka helo in aan iibsado; waa aniga oo haysta shilin-bireedyo aad u tiro badan heer aan u adeegsado sidii aan doono aniga oo aan gebi ahaanba ka baqaynin saboolnimo isoo foodsaarta ilowse hal maalin oo aayaha dambe ah.
Waa aniga oo dareemaya QANACSANAAN aad u tiro badan! waa aniga oo aan qaban shaqadaan dhabar-jabka ah ee aad igu taqaanid. Waxa aan ku riyooday xaaskayga oo aan lahayn habayaraatee duuduubka wajigeeda iyo duruufta adag ee nolosheeda iyo iyada oo dhoolo-caddaynaysa oo ay ka muuqdaan dhalaalkii iyo raynrayntii waayahii aannu is guursannay.”
“Waa riyo aad u qurux badan dhabtii, balse sidee riyada sidaa dhan u qurux badani u keentay in wali sidii taalladii aad meel iska taagantahay?” Kobbi ayaa ku warceliyey.
“Waxaa markii aan toosay ee aan aan garawsaday marnaanshaha boorsadayda I galay dareen kacdoon iyo u-qaadan-waa ah. Bal aynu isla eegno labadeenna iyo nolsheenna sida ay tahay, badmaaxyada ayaa yiraahda ISKU DOONI AYAA AAN SAARANAHAY. Hadda labadeennu bal aynu doonidaan nolosheenna isla qaadaa-dhigno.
Carruurnimadii isku meel ayaa aynu wax ka baran jirnay. Markii aan dhalinyarada ahaynna, raynraynta ayaa aynu wada qaybsan jirnay. Haddii aynu waynaanayna markasta dad iska agdhow oo jaal ah ayaa aynnu nahay. Waa aynnu ku QANACSANAANAY nolosheenna markasta. Waxa aannu ku qanacsanaanay in aan saacado aad u tirobadan shaqayno haddana aynu waxa aan shaqayno oo dhan si dhibyari ah inooga wada baxaan.
Shilin-bireedyo aad u tiro badan ayaa ina soogalay gu`yadii la soo dhaafay sidaas oo ay tahayna raynraynta hantiilenimadu waa wax aynu riyo kali ah ku ognahay. Bal eeg oo idaha maxaa aynu kaga duwannahay? Waxa aynu ku noolnahay magaalada ifka ugu hantida badan. Socdaalka ayaan markasta ka maqalnaa iyaga oo oranaya meel la hanti ah ama u hanti dhow Baabila habayaraatee majirto. Hanti ayaa astaan u ah magaaladaan haddana aniga iyo adigu waa aynu ka qatanahay. Kalabar noloshaadii oo aad shaqo dhabar-jab ah aad ku soo jirtay ayaa aad maantay ka faro-marantahay oo aad aniga I waydiisan labo shillin-bireed oo aad la maqnaatid illaa iyo Iidda. Maxaa aan kugu iraahdaa? Ma ku dhahaa “Hoo waa tan boorsadaydii ee kala bax waxa ku jira oo dhan. Maya taas ma awoodo oo aniguba adiga ayaa aan kula mid ahay oo boorsadaydu waa marantahay. Maxaa ina haysta? Maxaa aynu u awoodin in aan helno dahab iyo lacag aan ku iibsan karno cunto iyo dhar inta aan rabno?
“Bal ilmaheenna dib u eeg, miyeysan qaadi doonin raadkeenna? Miyaan carruurteenna, kuwa ay dhalaan iyo kuwa ay sii dhalaanba u baahnayn in ay dahab iyo lacag yeeshaan? Mise waxa ay ku gawracanyahiin in sideenna oo kale ay nolol adag ku jiraan?
“Jaalkayoow, waligay adiga oo sidaan u hadlaya waa haddii aanan ku arkinin.” Kobbi ayaa asaga oo yaabban yiri.
“Waligeey sidaas oo kale uma aanan fakarin. Illaa iyo saakay inta I soo martay ayaa keenaysa in aan sidaan u fekaro. Illaa iyo waligayba waxa aan ku dhabar jabaa in aan sameeyo karneeto kuwa ugu tayada fiican aniga oo filaya in maalin uun boqorrada iyo dadka aan u sameeyo garawsan doonaan hawlkarnimadayda kadibna abaalgud wayn aan ku heli doono.
Maalintaasi ma aha mid waligeed la arkay. Ugu dambayntii hadda waxa aan ogsoonaaday in aysan maalintaasi waligeed dhici doonin. Sidaas darteedna waa aan murugaysanahay. Waxa aan rabi lahaa in aan ahay nin qiimo leh. Waxa aan jeclaan lahaa in aan xoolo iyo beero yeesho, in dhar kuwa ugu wanaagsan iyo shilin-bireedyaba aan yeesho. Waxa aan diyaar u ahay in aan qabto wax walba oo intaas aan doonayo aan ku heli karayo waxa aan filanayay in aan abaalgudka dedaalkaas aan helo balse ma dhacdo marnaba. Xaggee la inaga haystaa! Aan mar labaad ku waydiiyee maxaa inoo diiday in barwaaqada iyo dahabka hantiilayaashu haystaan aan innaguna qayb leenahay?
“Ma aniga ayaaba kaaga warcelin kara waydiintaadaas!” Kobbi ayaa hadalkii sii watay “ Aniguba ma aniga ayaa waxba ku dhaamma. Dhaqaalaha I soo gala dhakhso ayaa uu ku dhammaadaa. Markasta waa in aan qorsheeyo oo aan ka walwalo in aan qoyskaygu baahi ku seexan. Haddana sidaas oo ay tahay waxaa qalbigayga ku wayn sidii aan ku gadan lahaa kaban ka wayn midka aan haysto si aan dhawaaq ka sii fiicankan hadda u samayn karayo. Haddii aan heli lahaa kabankaas wayn, waxa aan samayn lahaa codad aan waligiis boqorku maqlinin.
“Waa aad u qalantaa in aad kabankaas heshid. Ma jirto cid Baabila ku nool oo kaa cod macaanaan ama kaa hees wanaagsanaan lahayd. Waxaa hubaal ah in boqortooyada dhammi codkaaga aad ugu bogayaan. Balse sidee ku heli kartaa kabankaas haddii labadeenuba aynu nahay sabool ama dadka adoomada ah ee lagu shaqeysto ?
Balshanqartaas dhegayso! Waa kuwaan.” Waxa uu farta ku fiiqayaa safaf dhaadheer oo addoomo wada feero qaawan ah kuwaas oo dhididaya mid kastana uu sido haan biyood weynaatay. Waa shan saf oo is feer socda midkasta uu culays dartiis la soo godmay. “ Eeg ninkaas xooggu ka muuqdo ee hor socda.” Kobbi ayaa tilmaamaya horjoogaha addoomadu ay dabo soconayaan balse isagu wax culays ah aan wadin. “Waa madax dhulkiisii jooga dheh.”
“Rag badan oo xoog le`eg ninkaas ayaa safka ku dhex jira.” Bansir ayaa hadalkiisii sii watay, “Rag badan oo caddaan, madoow, gaduud jaadad walba leh ayaa safafka ku wada jira oo addoomo ah. Dhammaantood maalinta oo dhan sidaas ayaa ay horay iyo gadaal marba dhinac kuu dhaafayaan ayaga oo sidaas u raran. Waligood sidaas ayaa ay ku jiraan ayaga oo aan wax madax-bannaani ah iyo raynrayn midnaba haysanin. Sariiro ay ku seexdaan ma helaan, cunto macaanna lama siiyo. Waa xayawaanno masaakiin ah.”
Waa aan ka naxsanahay aniguba. Waxaa ii muuqata in aad I tusaysid in aan ka yara nolol fiicannahay kuwaas oo aynu dad madax-bannaan isugu yeerno.”
Waa runtaa Kobbiyoow, waa wax laga diirnaxo. Sidaas oo ay tahay innaguna ma doonayno in aan sanadka kan ka dambeeya gaarno annaga oo noloshaan adag ku dhexjirna. Waa aan shaqynaynaa, shaqynaynaa, shaqynaynaa! Haddana meelna ma gaarayno.”
“Miyaa aysan habboonaan lahayn in aynu raadino sida dadka kale dahabka ku helaan?” Kobbi ayaa waydiiyey.
“Waa runtaa, waana hubaal in aynu ogaanayno sirta ku jirta haddii aynu ka raadino kuwa og,” Bansir ayaa ku warceliyey.

“Waa runtaa, waana hubaal in aynu ogaanayno sirta ku jirta haddii aynu ka raadino kuwa og,” Bansir ayaa ku warceliyey.
“Maanta waxaa isoo ag maray saaxiibkeenii carruurnimada ee Arkad isaga oo faraskiisa fuushan. Aan kuu sheegee inta uu i eegay iskama uusan kay dhaafin sida hantiilayaasha la mid ahi sameeyaan, balse waa uu ii gacan haadiyey heer dadka dhammi arki karayeen in uu salaamayo oo waliba u dhoolla caddaynayo kaban-garaacaha Kobbi ah.”
“Waxaa la sheegaa in uu yahay ninka Baabila ugu hantida badan,” Bansir ayaa la soo booday.
“Aad ayuu u hanti badanyahay heer boqorku uu kaalmo dhaqaale ka dalbado arrimaha qaarkood,” Kobbi ayaa ku warceliyey.
“Aad ayaa uu u hanti badanyahay, waxaa ba ka baqaa in haddii aan mugdi kula kulmo aan boorsadiisa oo dhanba aan ka qaadan lahaa”
“Hadalkaasi murti ma laha. Hantida qofku ma aha inta boorsada uu ku wato. Boorso kasta oo lacag laga buuxiyo waa ay maranaysaa haddii aysan jirin meel laga soo buuxinayo markasta. Arkad dhaqaale joogto ah ayaa uu haystaa kaas oo markasta soo buuxiya boorsadiisa markii ay marataba.” Kobbi ayaa ku hadal celiyey, si kulul waliba.
“Dhaqaale joogto ah,” Bansir ayaa la soo booday kadibna hadalkiisii sii watay. “Waxa aan jeclaan lahaa in aan leeyahay dhaqaale joogto iisoo galaya oo xattaa aan joogsanayn haddii aan meel iska fadhiyo ama aan socdaal iskaga jiro. Waa khasab in Arkad garanayo sida dhaqaale loo helo balse ma u malaynaysaa in uu fahansiin karayo maskax tabardaran sida tayda oo kale ah?
“Anigu waxa aan u malaynayaa in uu wiilkiisa Nomasir ah uu baray. Wiilkiisu soo kii Ninevah aaday ma aha kadibna ka mid noqday dadka magaaladaas ugu hantida badan isaga oo aan aabahiis uusan waxba ku kaalmaynin ” Kobbi ayaa ku warceliyey
“Kobbiyoow, fikrad ayaa aad ii sheegtay. “ Rajo wanaagsan ayaa ka muuqatay indhaha Bansir kadibna hadalkii ayaa uu sii watay. “Wax kharash ah kuma baxayo in aynu talo waydiisano saaxiib wanaagsan, Arkadna markasta saaxiib wanaagsan ayaa uu inoo ahaa. Waloow jeebabkeennu maranyahiin haddana ma aha in arintaasi ina hor istaagto. Waa aynu ka soo daalnay dadkaan wada hantiilayaasha ah ee aynu ku dhex jirno innaguna aan saboolka nahay. Waxa aan doonayno waa in aan noqonno dad la qaymeeyo. Ina keen aynu Arkad u tagno oo waydiino sidii innaguna aan dhaqaale iyo hanti u samaynsan kari lahayn.
Bansiroow, hadal niyad kicin ah ayaa aad ku hadashay. Meel cusub ayaa aad wax iga tustay. Waxa aad ii xaqiijisay sababta aynaan waligeen hanti u yeelan. Waligeenba ma aynaan raadin. Dulqaad ayaa aad waligaa ku samaynaysay karneetooyinka Baabila ugu quruxda badan. Arrintaas ka dhabaynteeda ayaadna u go`doontay waligaa, taasna waa aad ku guulaysatay oo waxa aad samaysaa karneetooyinka Baabila ugu quruxda badan. Aniguna waxa aan u go`doomay in aan noqdo kaban-garaacaha ugu fiican, waana aan ku guulaystay arrintaas.
“Waxyaalahaas aynu xoogga saarnay, waa aynu ku guulaysannay. Hadda iftiin cusub oo sida qorrax soo baxday ah ayaa inoo muuqda. Waxaa inoo muuqata waddo aynu barwaaqo ku gaari karayno. Fahankeennan cusub waa in aynu ku helno hababka ugu wanaagsan ee aynu ku gaari karno riyooyinkeenna.
Ina keen aynu Arkad u tagnee. Sidoo kalena jaallayaasheennii carruurnimada ee iyaguna saboolka ah aynu kaxaysanno si dhammaanteen murtida Arkad iyo casharradiisa wax uga kororsanno.” Bansir ayaa hadalkii intaas ku darsaday.
“Waligaa saaxiibadaa waa aad ka fakari jirtay Bansiroow. Waa sida aad sheegtay ina keen jaallayaasheen oo dhan aynu kaxaysanno. Ina keen dhammaanteen Arkad u wada tagnee.
(Halkaan ayaa ay ka bilaaban sheekada dhabta ah ee ninka Baabila ugu hantida badan ee la dhaho Arkad.)

lasoco insha allah qaybta xigta................

No comments:

Post a Comment