Tuesday, October 29, 2019

MAXAY MUHIIM INOOGU TAHAY INAYNU TARIKHDA DERISNO?

ugu horayn illahaybay mahad oo dhami usugnaatay quraankeena kariimka ahna wuxuu rabigeen inoogu meeshay meelo badan oo kamida  inaynu dhulka maro oo u fiirsano raadadkiii qoomamkii inaga horeeyey inagoo  ku ladhayna kucibro qaadasho iyo inaynu ogaano waxna kabarano  siday unoolaayeen iyo ugu danabayn waxay kudanbeeyeen

umadda maanta nool iyo umadihii inaga horeeyeyna waxa is dhaafiyey ee kuwona kadhigay kuwo cilmi iyo xadaarad ku caan baxay kuwona kadhigay kuwo marwalba liita wax kale maaha waa siday umad kastaa u odorosto taariikhdeedii hore iyo tii umadihii horeba iyagoo uga faa iidaysanaaya inay wixii aqoon iyo horumara kaqaataan waxkastoo ay ku fashilmeena baadha waxa fashilkaas keenay  sidaa silamidana waxay  jiilsha danbe uga tagaan dhigaal dhaxal u noqda dhigaalkaasina waa markhaati aan marag ubaahnayn , dhinaca kale umadaha had iyo goor mushkilaadka siyaasadeed iyo dhaqaale kubixi waydaana qodobka kamaqani waa iyagoo aan odorosin tagtadii shalay iyo joogtada maanta wax dhigaala uma dhigaan  jiilasha danbe 

1 comment: